Magaalada Muqdisho waxaa ku geeriyooday General Cabdi Maxamed Samatar (Cabdidheere) oo katirsanaa saraakiisha ciidanka booliiska Soomaaliya, sargaalkan ayaana u geeriyooday xanuuno lasoo darsay.
Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa tacsi u diray eheladii iyo asxaabtii uu ka baxay Janaraal Cabdi Dheere uu sheegay in uu ahaa sargaal wax badan usoo qabtay Qaranka Soomaaliya.
Rooble ayaa sheegay Janaraal Cabdi Dheere oo muddo dheer si nafhurnimo leh Qaranka ugu soo adeegay, waxaa si gaar ah u xusay in uu ahaa sarkaalkii badbaadiyay dhismaha iyo Keydka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka burburkii kadib.
”Allaha u naxariistee marxuumku waxa uu sabab u ahaa in uu badbaado dhaxal mug weyn oo dalkeennu lahaa. Waxaan Eebbe uga baryayaa in uu Jannadii Firdows ka waraabiyo ehelkiisii iyo Ummadda Soomaaliyeedna uu samir iyo iimaan ka siiyo.” ayuu yiri Rooble.
Sargaalkan geeriyooday ayaa mudo dheer gacanta ku hayay xarunta Wasaarada Arimaha Dibadda Xukuumada Soomaaliya, waxa uuna badbaadiyay xiligii burburka inta badan keydkii ay laheyd Wasaarada arimaha dibadda Soomaaliya .
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
https://youtu.be/9tsLCYZuY54