Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

RW Rooble oo caawa booqday dhaawacyada qaraxii ka dhacay Muqdisho (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqday dhaawacyada dadkii ku waxyeelloobay qaraxii maanta lala beegsaday dhallinyaro Soomaaliyeed oo ciidamo loo qorayey.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mid mid u dul istaagay dhallinyaradan iyadoo ay uga warbixinayeen xaaladdooda dhakhaatiirta dabiibaysa, isagoo xaqiijiyey in dowladdu ay ku bixin doonto dadaal kasta sidii ay u heli lahaayeen daryeel caafimaad oo dhammaystiran.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji oo ku weheliyey kormerkan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa tilmaamay in dhallinyarada Soomaaliyeed ee ay dhaawacyadu soo gaareen ay u muujiyeen Ra’iisul Wasaaraha sida ay uga go’an tahay in ay dalkooda iyo dadkooda ka difaacaan wax uu ugu yeeray argagixisada, aysanna ka hor istaagi karin falalkan ay soo maleegayaan kamiro hiigsigooda ciidan iyo xoreynta dalka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed oo isku duuban ay ka guuleysan doonaan cadawgan bartilmaameedka ka dhigtay gumaadka iyo ciribtirka shacabka Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay, isagoo intaas ku daray in maanta la joogo xilligii loo midoobi lahaa si looga sifeeyo guud ahaan gayiga Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray ehelada iyo qaraabada dadkii ku shahiiday weerarkan oo ay ku dhinteen dad ka badan 20 qof kuna dhaawacmeen 26 kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xassan Shiikh & wafdi uu horkacayo oo gaaray dalka..

Caydiid Ali

Xukuumadda Soomaaliya oo ku dhawaaqday Xaalad deg deg oo loogu gurmanayo dadka …

Cabdi Cade

Shiikh Shariif: “Xiligii la ciribtiri lahaa argagixisada ayaa la joogaa, waxaan ku baaqayaa..”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---