Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta xarigga ka jaray wejiga koowaad ee dhismaha Garoonka kubadda Cagta Garoowe ee Mire Awaare ee magaalada Garoowe.
Deni ayaa sidoo kale furay Horyaalka kubadda cagta ee Puntland oo ay ku tartamayaan 9 Kooxood oo heerka koowaad ah, kaasoo galabta lagu bilaabay Kooxaha Boosaaso FC iyo Garoowe FC oo ciyaartii koowaad ku dhameystay barbardhac Labo iyo Labo ah.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan ee ay qabteen guddigii dhismaha garoonka Mire Awaare wuxuuna guddoonsiiyay Abaalmarin, isagoo ku dhawaaqay in uu bilowday wejiga labaad ee dhismaha garoonka oo dhaqaalaha ku baxay qeyb ka mid ah ay bixisay Xukuumadii uu horkacayey RW Xassan Cali Khayre.
Sidoo kale wuxuu Madaxweynuhu dhiirrigeliyay kooxaha ka qeybgalaya tartanka horyaalka kubadda cagta ee Puntland.
Masuuliyiinta Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa munaasabadda ka shaaciyey in 1-da August uu Garoowe ka furmi doono tartanka kubadda Cagta ee Gobolada Puntland.
Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Masuuliyiin isugu jira Goleyaasha Puntland, Xubno ka socda DFS, Taliska Ciidamada Booliska Puntland, Maamulka Gobolka Nugaal, Kan Degmada Garoowe, Masuuliyiinta Ciyaaraha ee Puntland, marti sharaf kale iyo taageerayaasha kooxaha ciyaaraya oo isugu jira wiilal iyo gabdho.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com