Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada: Amal Bank oo Lacag Zako ah u qeybisay boqolaal qof oo curyaamiin ah

Amal bank ayaa maanta deeq lacageed guddoonsiisay 150 oo qof oo ka mid ah dadka aan lixaadkooda dhameystirneyn oo laga soo kala arruuriyay degmooyinka gobolka Benaadir, waxaana soo uruuriyay koox culimo mutadawaciin ah oo uu hormuud ka yahay Sh. Ali Wajiiz oo ah wadaad aad looga yaqaano waddanka, waxayna Amal Bank dadkaas u qeybisay lacag gaareysa 50 dollar Qofkiba .

Kaalmada ay Amal Bank ugu talagashay dadka naafada ah ayaa waxaa ka hadlay Maamulaha Amal Bank Mogadishu Mudane Mohamed Abdi Mohamed Aybakar oo sheegay in ay tahay lacag zakaatul maal ah oo ay ugu talagaleen in dadka aan lixaadkooda dhameystirneyn iyo kuwa masaakiinta ah ee aan dabka shidan karin ay uga gudbaan bisha barakaysan ee Ramadaan, ugana qeyb qaataan farxadda ciidulfidriga oo fooda nagu soo haysa.

“Deeqdan waxay qeyb ka tahay oo ay daba joogtaa afurin ay Amal Bank u sameeyeen bishaan barakeysan ee Ramadaan, laakiin tani hadda waaZakada Amal Bank ee sanadki lasoo dhaafay bangigu ugu tala galay in bisha Ramadaan shacabka Soomaaliyeed kuwooda dhibaateysan ay kaalmeystaa, waxaana maanta halkan deeq lacageed ugu qeybinay curyaamiin ama naafo gaareysa 150, waxaana midkiiba heyaddu siisay $50 (konton dollar)”. Sidoo kale waxaan deeqdaan ka bixineynaa inta badan gobollada Soomaaliya ayuu yiri Mohamed Abdi Aybakar.

Waxaa uu xusay iney jiri doonaan taakuleyn kuwan la mid ah oo ay siinayaan bulshada qeybaheeda kala duwan, isagoo xusay in sanadkii hore ay sidaan oo kale ay kaalmo siiyeen qoysas danyar ah.

Qaar ka mid ah dadkii aan lixaadkooda dhameystirneyn ee ka faaiideystay deeqdan ayaa ka mahad celiyay taakuleynta lacagta ah ee la guddoonsiiyay, bangiyada kale ka codsadeen in loo abuuro xirfado shaqo oo ay ku maareeyaan noloshooda.

Amal bank ayaa sidan oo kale waxa ay Zaka sanadkan ugu qaybineysaa dhamaan Dalka oo dhan, iyadoo horey kaalmooyin fara badan u gaarsiiyey dad dhibaatooyin kala duwan qaba oo ku kala sugan magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka qaarkood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

Caydiid Ali

Magaalada Muqdisho waxaa iska leh ninkii Guri ku leh, diid ama yeel !

Cabdi Cade

Soomaaliya ma waxa ay u baahan tahay xal siyaasadeed mise xal caskari iyo dhiig daata ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---