Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa lagu magacaabay Gudoomiyaha cusub ee gobolka Sool, waxaana xilkaasi loo magacaabay Abuubakar Cabdi Geelle.
Gudoomiyaha cusub ee gobolka Sool oo ah nin dhalinyaro ah ayaa Madaxweyne Gaas sheegay in uu ku xushay kartida iyo Aqoonta uu leeyahay, waxaana la filayaa Gudoomiyaha cusub in dhawaan xilka la wareego.
Gobolka Sool waxaa hada ka taagan xiisad dagaal oo u dhaxeysa maamulada Somaliland iyo Puntland oo iyagu isku heesta maamulka gobolkaasi, waxaana labada maamul gobolka Sool ugu magacaaban Gudoomiyaal kala duwan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com