Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Madaxweynaha Hirshabelle oo xarunta Xalane kula kulmay Alberto Vecchi (Daawo Sawirro)

 Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe ayaa maanta xarunta Xalane kulan kula qaatay  Safiirka Dowlada Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Ambassador Alberto Vecchi.
 
Kulankaan ayaa looga hadlay Arrimaha Fatahaadaha Amniga iyo Fulinta Mashaariicyo horumarineed oo wax tar u leh bulshada Deegaanada Hirshabeelle.
 
Madaxweynaha ayaa Ambassador Alberto Vecchi Safiirka Dowlada Talyaaniga ee Soomaaliya la wadaagay Xaaladaha fatahaada ee hada taagan iyo sidii loo caawin lahaa dadkii ku barakacay fatahaada Wabiga shabeelle oo ay ku barakaceen in kabadan toban kun oo qoys, sidoo kale kulankaan waxaa looga hadlay sidii looga wada shaqeyn lahaa xal u helida Arrimaha Fatahaadaha oo ku soo laab laabtay Dowlada Hirshabeelle.
 
Kulanka inta uu socday waxaa la iskula soo qaaday Dhismaha iyo tababarada ciidamada booliiska, Daraawiishta Fulinta mashaariicyo horumarineed oo wax tar u leh bulshada sida Cusbitaalo iyo adeegyo kale oo muhiim ah iyo Dhismooyinka Garoomada Diyaaradaha Magaalooyinka iyagoo balan qaaday in sanadka cusub ay Magaalada Beledweyne nooga dhisi doonaan Airport Caalami ah.
 
Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Dowlada Talyaaniga taagerada ay dadka Soomaaliyeed la garab taagan yihiin gaar ahaan shaqooyinka ay ka wadaan Magaalada Beledweyne Xarunta Ganacsiga Dowlada Hirshabeelle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sidee Hooyada dhashay hogaamiyaha Boko Haram u aragtaa falalka uu gacmaha kula jiro wiilkeeda? (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Abshir Kaaraan oo maanta ka bad baaday Qarax la doonayay in lagu dilo

admin

Boqolaal Xujay Soomaali ah oo aan gudan acmaashii Xajka iyo sababta ka dambeysa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---