Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Somalia oo Golaha amaanka ee QM u gudbisay cadeymo ka dhan ah Kenya

Safiirka Somaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cusmaan (Abuukar Baalle) ayaa Golaha Ammaanka u gudbiyay caddeymo muujinaya duqeymo Diyaaradaha Dagaalka Kenya ay ka geysteen Gudaha Soomaaliya.

Danjire Abuukar Baalle ayaa Golaha Ammaanka ka hor akhriyay cadeymaha ay heyso dowladda Soomaaliya ee la xiriira waxyeellada Ciidamada Cirka Kenya ay ka geysteen Gobalka Gedo, taasoo dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ay ku jiraan Caruur iyo Haween.

Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan ka hadashay qasaaraha soo noqnoqday ee diyaaradaha dagaalka Kenya ka geystaan gudaha Soomaaliya, waxyeellana gaarsiisa dad shacab ah, laakiin waa markii koowaad ee ay xukuumaddu caddaymo geyso Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Talaabadan ay qaaday DF ayaa ku soo aadeysa xili Xiriirka labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya oo muddo kala go’onaa uu maalmahan soo hagaagayo, iyadoo labada dowladood ay haatan dib u furayaan safaaradihii ay ku kala lahaayeen Muqdisho iyo Nairobi.

 

Related posts

Milateriga Israel oo geystay xasuuq kale oo arxan daro ah

Caydiid Ali

Weerar khasaaro badan dhaliyay oo lagu qaaday tuulada Indha Kayd iyo xiisad taagan

Cabdi Cade

Haweeney 68-sano jir ah oo dhashay labo cunug oo mataano ah !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---