Dowlada Cusub ee dalka Talyaaniga ayaa diiday in Dekadaheeda kusoo xirto Markab Samafal ay la socdaan Boqolaal qof oo Muhaajiriin ah oo si sharci daro ah kusoo gaaray biyaha Talyaaniga.
Markab Samo fal ay saaran yihiin in ka badan 600- oo Muhaajiriin Afrikaan u badan ayaa ku xayiran Badda Mediterranean, waxaana Markabkan loo diiday in uu kusoo xerto Dekadaha Talyaaniga iyo sidoo kale Malta.
Wasiirka cusub arrimaha Gudaha ee dowlada Talyaaniga, Matteo Salvini oo kamid ah xisbiga cunsuriga ah ee [Lega] sheegay in dalkiisa uusan qaabili doonin qaxootigan saran Markabkan biyaha taagan.
Waxa uu ka codsaday Mr.Salvini Jasiirada Malta inay iyadu qaabisho qaxootigan Biyaha Liibiya laga soo bad baadiyay, hasa ahaatee dowlada Malta ayaa dhankeeda iska diiday in ay qaabisho qaxootigan.
Muhaajiriintan waxaa soo bad baadiyay ciidamada Badda dalka Talyaaniga oo ku wareejiyay Hay’ada gurmadka ee loo yaqaan SOS Mediterranee , Muhaajiriintan ayaana isugu jira Caruur, Haween , Da’ iyo Dhalinyaro.
Shaqaalaha la socda Markabkan loo diiday in uu ku xirto Dekaddaha Talyaaniga ayaa sheegay in raashinka uu kasii go’ayo, waxa ayna codsadeen in loo ogolaado in Markabka soo xirto.
Markabka ayaa  taagan meel 35 nautical miles ee Xeebaha Talyaaniga iyo  27 nautical miles ee Malta, waxayna Muhaajiriinta u muuqdaan kuwo taagan meel geeri-go’an ah, iyagoo aan ogeyn halka loo jiheyn doono iyo muddada ay Markabka dul saarnaan doonaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com