Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal Khasaare geystay ka fuliyey duleedka Kismaayo

Ciidanka Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyey deegaano dhowr ah oo dhaca galbeedka magaalada Kismaayo.

Deegaanada ay ciidamada howlgalka ka fuliyeen waxaa ka mid ah Golashimbir, Beerxaani, Libo Kuus, Cabdi Dhoore iyo degaano kale oo ka tirsan gobolka Jubbada hoose.

Saraakiisha Ciidanka ayaa sheegay in intii uu howlgalku socday ay khasaaro xooggan u geysteen kooxda Al-Shabaab ka dib iska horimaadyo kooban oo dhexmaray.

Dhanka kale, waxay ciidamadu baareen goobihii Al-shabaab ka firxadeen oo gabaadka u ahaa, iyagoo sidoo kale la hadlay qaar ka mid ah dadka degaanadaas.

Dhame Cabdi Cali Yuusuf oo ka mid ahaa saraakiishii howlgalka hogaaminaysay ayaa sheegay in howlgalka khasaare baaxad leh lagu gaarsiiyey Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Putin oo 24 saac ka dib ka hadlay shilka sababay geerida Prigozhin, kuna tilmaamay..

Caydiid Ali

Midowga Musharaxiinta oo bogaadiyay dadaal uu wado Ra’isul Wasaare Rooble

Cabdi Cade

Xamaas iyo Israel oo qarka u saaran heshiis xabad joojin ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---