Allbanaadir.com
NEWS

Guddiga farsamada arrimaha doorashooyinka oo la kulmay xubno katirsan Q/M (Sawirro)

Guddiga farsamada ee arimaha Doorashooyinka ee Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa la kulmay kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan taageerada arrimaha doorashooyinka.

Guddiga ayaa xubnahan ka socda Qaramada Midoobay kala hadlay isu duwidda iyo mideynta howlaha lagu taageerayo dadaallada Ra’iisul Wasaaraha ee hirgelinta doorasho daahfuran oo xor iyo xalaal ah.

Labada dhinac ayaa sidoo kale kawada hadlay qabsoomida doorasho raali laga wada yahay oo ku dhacda xiligii lagu heshiiyay, waxa ayna labada dhinac isla garteen in la guda galo howlaha doorashada si uusan dib dhac kale ugu imaan waqtigii loo balamay.

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan magacaabay guddigan farsamada ee xafiiskiisa ka taageeraya geedi socda doorashooyinka iyo arimaha la xariira hirgalinta doorasho loo dhan yahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Milatariga Soomaaliya oo Al Shabaab kala wareegay Baacadweyne iyo Deegaano kale

Cabdi Cade

Wasiirka Arrimaha Dibadda DFS oo wadahadal la yeeshay Therese Kayikwamba

Cabdi Cade

Faahfaahin: Qarax dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Magaalada Balad-weyne

Caydiid Ali
Taboola Ads ---