Allbanaadir.com
NEWS

Duulimaadyadii Soomaaliya iyo Kenya oo mudo kadib maanta dib u bilowday

Waxaa maanta oo axad ah dib u bilowday duulimaadyadii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya oo horey hakad u galay, kadib markii dowlada Kenya shaacisay in si KMG ah u joojisay duulimaadyadii Soomaaliya tagi jiray iyo kuwa ka imaan jiray.

Diyaaradaha ka imaanaya iyo kuwa tagaya dalka Kenya ayaana maanta si toos ah uga bilowday garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana talaabadan soo dhaweeyay shacabka labada dal u kala safrayay oo dhib badan ku qabay xirnaashaha duulimaadka.

Dowlada Kenya ayaa dhawaan shaacisay in ay fasaxday duulimaadyadii Soomaaliya tagi jiray iyo kuwa ka imaan jiray, waxa ayna arintan timid kadib wadahadalo labada dal dhax maray iyo heshiis laga gaaray khilaaf labada dal u dhaxeeyay.

Labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa sidoo kale la filayaa in dib usoo celiyaan xiriirkooda diblumaasi ayna furaan safaaradaha labada dal oo mudooyinkii dambe xirnaa kadib markii khilaafka labada dal meel xun gaaray .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Yuusuf Garaad: “Dal sharci leh sirdoonkiisu weriye uguma hanjabo baraha bulshada”

Caydiid Ali

Mareykanka oo sheegay inuu aarguday G/lle Xasan Maxamed Cismaan (Xasan Tuure)

Caydiid Ali

Haweeney dil argagax leh u geesatay Wiil gabadheeda qabay !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---