Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Akhriso) Dowladda Somalia oo fulisay shuruud Kenya ku xirtay soo celinta xiriirka labada dal

Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday dhigeeda Kenya inay dib u furto Safaaradeeda Soomaaliya si xiriirkii labada dal caadi loogu soo celiyo.

Sidoo kale, dowladda Soomaaliya ayaa caddeysay inay dib safaaradeeda uga furi doonto Nairobi.

Waxaa maalmaha soo socda bilaaban doona tallaabooyin dib xiriirka labada dal loogu soo celinayo, iyadoo wafuud labada dhinac ka kala socota ay kala booqan doonaan Muqdisho iyo Nairobi.

Warqada Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya qortay ee ku saabsan soo celinta xiriirka labada dal Kenya iyo Soomaaliya waxay qeyb ka tahay dalabka Kenya oo ahaa in si safaaradaha labada dal in dib loogu furo ay marka hore tahay in Soomaaliya ay soo qorto warqada loo yaqaano Note Verbale oo toos ugu socota Kenya

Kenya waxay ku dooday in maadaama Soomaaliya oo markii hore xiriirka jartey ay muhiim tahay iney warqaddan soo qorto, aysana ku qanacsaneyn hadalkii Warbaahinta kaliya la mariyay ee xiriirka lagu soo celinayay.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxtooyada Puntland oo ka hadashay Dagaalka Boosaaso Eedeyna u jeedisay Diyaano

Cabdi Cade

Ciidanka Israel oo qirtay khasaare ka soo gaaray weerarkii Iran

Caydiid Ali

Wararkii ugu dambeeyey Qarixii Muqdisho & Ciidamo si qarsoodi ah loo qorayo..

admin
Taboola Ads ---