Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Laftagareen & wakiilada beesha caalamka oo ka wadahadlay qodobo Muhiim ah

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Saaxibada Beesha Caalamka ee Soomaaliya oo uu horkacaayo Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey James Swan.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay Arimaha Doorashooyinka iyo Mashaariicda Horumarineed ee ka socda Deegaanada Koonfur Galbeed.

Dowladda Koofur Afrika ayaa diblumaasiyiinta u dhashay dalka Malawi ee ku sugan dalkeeda u qabatay iney 72 saac gudahood dalka kaga baxaan.

Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey James Swan ayaa ka hadlay dedaalka beesha caalamku ugu jirto sidii Somalia ay uga dhici laheyd doorasho lagu wada qanacsan yahay, isagoo hogaamiyeyaasha Soomaalida ugu baaqay iney gacan ka geystaan.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa sheegay iney diyaar u yihiin fulinta heshiiskii doorashada ee dhowaan ay isla gaareen DF iyo dowlad goboleedyada.

Laftagareen ayaa sidoo kale uga mahad celiyay Wakiilada Beesha Caalamka kaalintooda ku aadan dowladnimada Soomaaliya iyo taageerada ay siiyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gorgortankii iyo Heshiiska Dekedda magaalada Muqdisho ee Shirkadda Albayrak

Cabdi Cade

Guddoomiye todobaad gudihiis loo magacaabay labo degmo oo xilka la wareegay (Sawirro

Caydiid Ali

Wasiirka A/dibeda oo arrimo Muhiim ah kala hadlay danjire Mehmet Yilmaz (Sawirro)

Caydiid Ali