Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Rooble oo Magacabay guddi soo baara xaalada dhalinyarada tababarka loogu qaaday Eritrea

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi soo baara cabashada waalidiin Soomaaliyeed oo sheegay inaysan war iyo wacaal ka helin carruurtoodii oo ay sheegeen in tababar loogu diray dalka Eritrea.

Dhalinyaradan tababarka ciidan loo qaaday oo kumanaan gaaraya ayaa la sheegay in laga qeyb geliyey dagaalka gobolka Tigray ee woqooyiga Itoobiya,  qaar badan oo ka mid ahna lagu dilay halkaas, sida ku xusan warbixin ay soo saartay QM.

Talaabada uu qaaday RW Rooble ayaa ku soo aaday xili maalmihii la soo dhaafay ay magaalada Muqdisho banaanbaxyo cabasho ah ka dhigayeen waalidiinta dhalinyaradaas oo labo sano ka maqan dalka, iyagoo dalbanaya in meel lagu sheego nolol ama geeri.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA RAISUL WASAARAHA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dhaqtar Hindi ah oo dhawaan qaliinada lafaha ka bilaabi doona Kalkaal Hospital

Cabdi Cade

Deni oo Eedeyn u jeediyay Madaxweyne Farmaajo kadib Doorashadii ka dhacday Puntland

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Kulan Garawe uga socda Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda maamul goboleedyda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---