Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxay ka wada hadleen Raisul wasaaraha Somalia iyo Danjire James Swan?

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda JFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la qaatay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay James Swan kaas diiradda lagu saaray arimaha hoose.

Waxa si weyn kulanka loogu jeexjeexay howlaha doorashooyinka ee socda ee Ra’isul Wasaaruhu hogaaminayo,  dhameystirka guddiyada doorashooyinka iyada oo Ra’isul Wasaaruhu sheegay in dhankiisa ay ka go’an tahay in waqtiga aan dib u dhac ku iman balse ay ku xeeran yihiin duruufo u baahan in dhamaan ay gacan ka geystaan dardargalintooda.

Kulanka uu Ra’isul Wasaare Rooble la qaatay Wakiilka Qaramada Midoobay waxa goobjoog ka ahaa Guddiga Farsamada Doorsashooyinka ee dhawaan uu magacaabay Ra’isul Wasaaruhu kuwaas oo ka shaqeyn doono arimaha farsamo ee mudnaanta u leh Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya si uu habsami uga fuliyo howlaha doorashooyinka ee uu xilsaaran yahay.

Waxa kulanka sidoo kale looga hadlay sida leysaga kaashan karo taageeridda dadka ku waxyeeloobay daadadka deegaanada Hirshabelle oo uu Ra’isul Wasaaruhu carrabka ku adkeeyay in ay muhiim tahay in si dhaqso ah kaalmo lala gaaro dadka tuulooyinka ay barakaciyeen daadadka Wabiga Shabeelle

Qodobada kale ee si weyn looga hadlay waxa ka mid ahaa Amniga iyo Caddaalada iyo shaqooyinka culus ee la xiriira amniga doorashooyinka taas oo sida ku caddeyd Hishiiskii 27 May ee ahaa in la dhiso Guddi Amni oo ka 9 xubnood oo Ra’isul Wasaaruhu hogaaminayo kuwaas oo isugu jira dhinacyo kala duwan.

Ugu dambey kulanka Ra’isul Wasaare Rooble iyo James Swan Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa looga hadlay cudurka Coronavirus iyo sidii loo dardargalin lahaa tallaalka COVID-19,  loona sameyn lahaa wacyi galin ballaaran iyadoo hoosta laga xariiqay in si guud dadka loo gaarsiiyo tallaalka maadaama ay dhici karaan Hirar iyo laba kacleyn caabuqa Coranavirus.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ka soo kordhay doorashada Jubbaland? (Sawirro)

Caydiid Ali

Wasiir Xundubey oo banaanka soo dhigay arrimo xasaasi ah iyo DF oo shaaca ka qaaday..

Caydiid Ali

Taliyaha ATMIS oo booqday askar lagu soo dhaawacay Weerarkii Buulamareer (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---