Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxkamada ciidamada oo xukuntay ganacsato qaraxyada ka caawin jirtay Al-Shabaab

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee dowlada Somalia  ayaa Maanta xukun ku riday ganacsato lagu eedeeyay inay gudaha dalka soo geliyeen Kiimikada iyo Agabyada loo adeegsado qaraxyada, xiriirna la lahaayeen Al-shabaab.

Eedeysanayaasha oo tiradoodu gaarayso 7 xubnood ayaa laba ka mid ah ay yihiin maqane, waxaana  dhawaan lasoo taagay Maxkamadda Ciidamada, kuwaasoo la sheegay inay dalka soo geliyeen Kiimikada qaraxyada, una sii gudbin jireen Al-shabaab.

Sidoo kale Xafiiska xeer ilaalinta ayaa Maxkamadda Ciidamada ka codsatay in eedeysanayaasha lagu rido xukuno adag, maadaama dalka ay soo geliyeen waxyaabo halis ah oo khatar ku ah nafta iyo deegaanka.

Maxkamadda Ciidamada ayaa eedeysane Maxamed Cismaan Maxamed ku riday xukun xabsi daa’in ah, halka eedeysanayaasha kala ah Cabdisalaan Cali Faarax, Daahir Cusmaan Maxamed, Khadar Cabdisalaan Maxamed, Maxamed Cabdi Shiikh Cumar iyo Saciid Xuseen Maxamed lagu xukumay min 8 sanno oo xabsi ah, sida uu sheegay guddoomiye Shuute

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in la sii deeyay Cabdisalaan Cismaan Maxamed oo lagu waayay dambigii lagu eedeeyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Feysal Waraabe oo oggolaaday muddo kordhin loo sameeyo Madaxweyne Biixi

Cabdi Cade

Mareykanka oo Ciidamo aad u badan kala baxaya dal kuyaala Yurub iyo Trump oo ka hadlay

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo xil culus u Magacaabay Masuul xilal sare ka soo qabtay Puntland

Caydiid Ali
Taboola Ads ---