Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Sacuudiga oo go’aan cusub ka qaatay gudashada waajibaadka Xajka ee sanadkan

Boqortooyada Sacuudiga ayaa maanta ku dhawaaqday in xajka sanadkan loo ogolaan doono kaliya 60,000 oo xujey ah oo ku nool Sacuudiga.

Talabaadan ayaa ka dhigan in dhammaan xujeydii ka iman laheyd guud ahaan caalamka aysan gudan karin xajka sanadkan.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudiga ayaa lagu sheegay in sababta loogu xadeeyay kaliya 60 kun oo muwaadin oo Sacuudi ama dadka heysta iqaamada dalkaasi ay tahay halista cudurka safmarka ah ee COVID-19 uu wali ku hayo dunida.

Wasaaraddu waxa ay sheegtay in dadka loo ogolaan doono gudashada xajka sanadkan ay da’doodu u dhaxeyn doono 18 ilaa 65 sano jir, islamarkaana ay waajib noqo doonto in ay si buuxda u soo qaateen tallaalka looga hortago xanuunka COVID-19.

Xajka sanadkan ayaa lagu wadaa in uu dhaco bartamaha bisha July ee foodda nagu soo heysa, waxaana go’aankan uu ka dhigan yahay in Sacuudigu ka laabtay hadal uu dhowaan shaaciyey oo ahaa in xajka sanadkan loo ogolaan dad 60 kun gaaraya oo ka iman doona dalalka caalamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Dowlada Soomaaliya oo Bogaadisay dadaallada uu Wado Amiirka dalka Kuwait

Cabdi Cade

Guddiga Doorashada Guddoonka Gollaha Shacabka oo la xulay (Magacyada+Qabiilka)

Cabdi Cade

Shir Madaxeedka aan caadiga ahayn ee dalalka IGAD oo ka furmay Addis ababa (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---