Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maamulka Gobolka Banaadir oo maanta soo saaray Amaro cusub (Daawo Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir (Cumar Filish ayaa shir guddoomiyay kulan aan caadi aheyn oo ay goobjoog ka ahaayeen Saraakiisha Laamaha Amaanka qeybahooda kala gedisan, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Kuxigeenada Maamulka Gobolka Kaasi oo looga hadlayay u diyaar garowga xuska Maalmaha Xorriyadda ee 26 june iyo 1da Luulyo 2021.
 
Kulanka ayaa lagu gorfeeyay sugida Amniga Caasimada iyo Bilicda Magaalada, iyadoona laga soo saaray Awaamiir ku socoto Maamulada Degmooyinka si ay shacabkooda u gaarsiiyaan in Maalmaha Xorriyadda si weyn loo weyneeyo.
 
Maamulka Gobolka Banaadir ayaana ku amray dadka degan guryaha saaran Laamiyada in ay rinjiyeeyaan sidoo kale nalal ku xiraan, waxaa sidoo kale la faray in Calamada Astaanta Qaranka la suro afaafka hore ee guryaha isla markaana cidkasta ay Nadiifiso horteeda.
 
Amaradan cusub uu soo saaray maamulka gobolka Banaadir ayaa kusoo aadaya xili si weyn magaalada Muqdisho looga diyaar garoobayo xuska maalmaha xuriyada ee 26-ka Juun iyo kowda Luulyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Saraakiil iyo ciidamo katirsanaa Ilaalada Madaxtooyada oo Muqdisho ka baxsaday

Cabdi Cade

Madaafiic khasaaro geesatay oo lagu weeraray Xarunta Xalane ee Muqdisho

Cabdi Cade

Wasiir Cabdulahi Goodax oo la kulmay Maamulayaasha Iskuulada Dowlada (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---