Allbanaadir.com
NEWS

Musharax ka digay Daahinta doorashada iyo dabin uu sheegay in Farmaajo dhigayo

Qaar kamid ah musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka walaacsan daahitaanka doorashada Soomaaliya, iyo cago jiid ay sheegeen in uu ka jiro sidii doorashada loogu qaban lahaa waqtigii ay ku heshiiyeen DF iyo dowlad goboleedyada.

Musharax Madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in gaabis uu hada ka jiro hirgalinta doorashada oo horey loogu heshiiyay in lagu qabto 2-bil gudahood, waxa uuna ku baaqay in shaqada doorashada ahmiyad weyn la siiyo oo aan dalka iyo Dowladnimada fursad kale laga lumin.

Firaaqa iyo habacsanaanta ka muuqata hay’addaha Dowladda waxaa daawo u ah dedejinta mashruuca doorashada. DF, Dowlad Gobolleedyada iyo beesha Caalamka waxaan ugu baaqeynaya in aan waqtiga la dilin, oo doorashada la dedejiyo, heshiiskii Muqdisho lagu gaaray dhammaadkii bishii May wuxuu abuuray jawi doorasho, laakiin mudada la cayimay oo labo bilood ah iyo shaqada sida luudiska u socota isma qaadan karaan. Waxaan ku baaqeynaa in shaqada doorashada ahmiyad weyn la siiyo oo aan dalka iyo Dowladnimada fursad kale laga lumin.” ayuu yiri Musharax Guuleed.
 
Cabdikariin Guuleed ayaa sheegay in mar walba oo la daahiyo geedi-socodka doorashada ay abuurmi karaan caqabaddo cusub iyo is mari-waa kale, waxa uuna codsaday in aan waqtiga la dilin oo doorashada lagu heshiiyay la dedejiyo.
 
Musharaxa ayaa tilmaamay in Madaxweyne Farmaajo ka muuqato inuu macaash uga dhex jeedo xagal-daacinta waqtiga doorashada si uu sifo aan sharci aheyn ugu sii fadhiyo kursiga , waxa uuna ka digay daahinta doorashada iyo dabin uu wali dhigaayo Farmaajo.
 
”Mar walba oo la daahiyo geedi-socodka doorashada waxaa abuurmi doona caqabaddo cusub iyo is mari-waa kale. Madaxweynaha mudadu ka dhammaatay waxaa ka muuqata inuu macaash uga dhex jeedo xagal-daacinta waqtiga doorashada si uu sifo aan sharci aheyn ugu sii fadhiyo kursiga, taas oo aan waxba u siyaadeynin dalka iyo Dowladnimada. Baaqeennu waa in laga fogaado daahinta doorashada iyo dabin-ka uu wali dhigaayo Farmaajo.” ayuu yiri Musharax Guuleed.

 

Dowlada federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka ayaa dhawaan ku heshiiyay in doorashada dalka lagu qabto mudo labo bil gudaheed, hasa ahaatee wali ma muuqato in doorashada ku dhaceyso waqtigii loo qorsheeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) Madaxweyne Al-Bashiir oo tababar u xiray, Biladna gudoonsiiyey Saraakiil Soomaali ah

Caydiid Ali

Abuu Mansuur oo qol isku soo xiray Cuntadana diiday iyo xaaladiisa oo laga deerinayo

Cabdi Cade

Musharaxiinta oo Cabsi darteed aan u shaacin doonin magacyada Xubnaha NISA ee ku jira …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---