Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday ciidamo katirsan dowlada Kenya, xili ay marayeen deegaano hoostaga magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.
War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerar dhabo gal ah ku beegsadeen ciidamo katirsan dowlada Kenya xili ay marayeen inta u dhaxeysa tuulada Kintoo iyo degmada Taagaabo oo katirsan Mandheera.
Al Shabaab ayaana sheegtay in weerarkan ku dileen labo askari oo katirsan ciidanka dowlada Kenya halka la dhaawacay sadex askari oo kale, Al Shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in weerarkan ku furteen hub iyo saanad kale oo milatari.
Waxa ay sidoo kale Al Shabaab warbaahintooda ku sheegeen in weerar kale oo ka dhacay deegaano hoostaga magaalada Wajeer lagu dilay askar katirsan ciidanka milatariga Soomaaliya kadib weerar xoogan oo lagu qaaday.
Dowlada Kenya ayaan wali si rasmi ah uga hadlin weeraradan Al Shabaab sheegeen in ay ka geesteen gudaha dalka Kenya, waxaana socda howlgalo ciidamada Kenya ka wadaan deegaanada Al Shabaab weerarka ka fuliyeen.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com