Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Weerar khasaaro dhimasho dhaliyay oo ka dhacay magaalada Dhuusomareeb

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in xalay kooxo hubeesan oon wali heebtooda la garan halkaasi dil iyo dhaawac ugu geesteen dad shacab ah.

Sida aan wararka ku helnay kooxda hubeesan ayaa rasaas xoogan ku furay goob dad badan fadhiyeen, waxaana weerarka kadib goobtaasi isaga baxsaday ragii dilka geestay oo warar kala duwan kasoo baxayaan waxa ay ahaayeen.

Inta la xaqiijiyay sadex qof ayaa ku dhimatay weerarka ka dhacay magaalada Dhuusomareeb halka ay ku dhaawacmeen labo qof oo kale, dadka la dilay iyo kuwa dhaawacmay ayaana dhamaan rag ahaa.

Afhayeenka maamulka magaalada Dhuusomareeb oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay socdaan baaritaano laamaha amniga ku wadaan weerarkan dadka lagu dilay, waxa uuna xusay in falkan aad uga naxeen maamulka iyo shacabka magaalada.

Magaalada Dhuusomareeb ayaa aheyd magaalo nabdoon oo inta badan looga baran in ay ka dhacaan weerarada nuucan, waxaana weerarkan imaanaya xili la filayo in magaaladaasi ka dhacaan doorashooyinka Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka federaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Geelle oo ka cabsi qaba in lasoo doorto Xildhibaano Al Shabaab maamulaan

Cabdi Cade

Maxkamad sare ee Kenya oo go’aan ka soo saartay amarkii dowladdu ku xirtay Saddex TV

Caydiid Ali

Guddoonka Labada Aqal oo u Mahadceliyay Guddigii doorashada Madaxweynaha (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---