Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan aqalka Congreska Mareykanka ayaa waxay jawaab kulul kala kulantay xubnaha ay ka wada tirsan yihiin xisbiga Dimuqraadiga ka dib hadal horey uga soo yeeray oo ay Mareykanka iyo Israa’iil la barbar dhigtay kooxaha Taliban iyo Xamaas.
Koox Xildhibaano ka soo jeeda Yuhuuda ayaa Ilhan Cumar ugu baaqay inay cadeyso ereyadeeda, laakiin Ilhaan oo ah wakiilka Minnesota ayaa si kulul u wareertay xildhibaanadan.
“Waxaan aragnay gumaadka aan la malayn karin ee ay gaysteen Mareykanka, Xamaas, Israel, Afghanistan, iyo Taliban, Waa inaan u helnaa isla xisaabtan iyo cadaalad dhammaan dhibanayaasha xadgudubyada ka dhanka ah aadanaha,” ayay barteeda Twiterka ku qortay
Hadalkii xildhibaan Ilhaan Cumar oo kahadashay kooxaha Islaamiyiinta xagjirka ah ee Xamaas iyo Talibaan ayna la barar dhigtay Mareykanka iyo Israa’iil ayaa waxay khilaaf ka dhex dhalisay xubnaha xisbigeeda.
“Inay la barbardhigto Mareykanka iyo Israel Xamaas iyo Taliban waa hadal gef ah oo aan loo meel dayin” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saareen xubno uu hogaaminayo Jerry Nadler.
Ma ahan markii ugu horeysay oo ay dhalleeceyn Ms Omar u jeediso Israel ay khilaaf ka dhex abuurto xubnaha xisbigeeda.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com