Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maamulka Somaliland oo jawaab kulul ka bixiyey hadal ka soo yeeray Puntland

Wasaaradda Waxbarashada Somaliland ayaa ka jawaabtay war maalmo ka hor kasoo baxay Maamulka Puntland ee ku aadanaa in imtixaanka Somaliland ay ka joojisay gobolka Sanaag iyo Heylaan

Somaliland ayaa ku tilmaamtay mid xagjirnimo ah hadalka kasoo yeeray maamulka Puntland ayna tahay waxa laga xumaado oo aan wax saameyn ku yeelan doonin imtixaanka.

Warka kasoo baxay Somaliland ayaa u qornaa sidatan:

War-saxaafadeed

Wasaaradda Waxbarashada Maamulka Somaliland waxay u xilsaarantahay in bulshada aqoontooda iyo garaadkooda la kobciyo si horumar waara loo gaadho. 25kii sanadood ee u danbeeyey imitxaanaadka shahaadiga ah waxaa si habsami ah looga qaadayey dhamaan ardayda wax ku barata gobolada iyo degmooyinka dalka.

Waxaan baraha bulshada ku aragnay warqada sumadeedu tahay W/W/W/TS/211/2021, kana soo baxday maamul goboleedka Puntland ee dalka aanu jaarka nahay ee Soomaaliya, nuxurkeeduna yahay khalkhal galinta goobaha Imtixaanaadka shahaadiga ah ee qaybo ka tirsan dalka JSL.

Wasaarada Waxbarashada JSL waxay u aragtaa qoraalkaas hadal xagjirnimo ah oo aan sharciyad ku dhisneyn, oo habayaratee aan wax saameyn ah ku yeelan karin howlaha qaadista Imtixanaadka shahaadiga ah ee ardayda JSL.

Waxaanu maamulka Gobolka Badhan la socodsiinaynaa inay indho dhow iyo feejignaan u yeeshaan hadalkaa xagjirnimada ah, si aan waalidiinta iyo ardayda loo gelin dareen aan jirin.

Ugu danbayn Wasaaradda Waxbarashada JSL waxay uga digaysaa cidkastoo isku dayda ama ku fikirta khalkhal gelinta habsami u socodka imtixaanaadka qaranka.

-Dhammaad-

https://youtu.be/iuYREgNb1n4

 

Related posts

Q/Midoobay oo shaacisay tirada dadka ku dhintay iyo barakaca roobabka Deyrta

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Qaraxii maanta lagu dilay Cabdullaahi Cali Waafow

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Cusmaan Sh. Cali Buraale oo qarax miino lagu dilay iyo Al-Shabaab oo sheegatay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---