Aqoonyahano Soomaaliyeed ayaa dhowaan ka hirgeliyey magaalada Muqdisho isbitaal cusub oo ka mid noqonaya kuwii horey uga jiray caasimada kaasoo loogu magac daray Isbitaalka taqasusiga ah ee Guuleed (Guled Specialist Hospital).
Munaasabad xariga looja jaray isbitaalkan ayaa dhowaan lagu qabtay magaalada Muqdisho taasoo ay ka qeyb galeen Masuuliyiin tirsan Wasaaradda caafimaadka, Xildhibaano ka tirsan aqalka sare, aqoonyahano iyo qeybaha bulshada.
Agaasimaha guud ee Isbitaalkan Dr. Axmed Yuusuf Guuleed ahna dhaqtar ku taqasusay daweynta guud iyo cudurada neef mareenka iyo samabada ayaa sheegay in hirgelinta isbitaalkan ay muddo dheer soo socotay, dedaal badan ka dibna lagu guuleystay in la howlgeliyo si uu ugu adeego bulshada Soomaaliyeed.
”Isbitaalkan waxaa uu shaqeynayaa 24-ka saac si loogu adeego bulshada, waxaa uu leeyahay qeybo ay ka mid yihiin Bukaan eegto, bukaan jiif, gargaarka deg dega ah, qeybta qaliinka, Dentiste, Raajo, Sheybaar, dhalmada oo 24 saac ah ah, farmashiye, qeybaha daweynta, haweenka, Caruurta iyo daweynta cudurada guud, waxaa loo dhameystiray wixii qalab ahaa ee Isbitaal looga baahnaa” ayuu yiri Dr. Axmed Yuusuf Guuleed oo intaa ku daray iney had iyo jeer u taagan yihiin sidii ay u dabooli lahaayeen baahida caafimaad ee bulshada.
Waxaa u sheegay in isbitaalkan uu leeyahay qeyb gaar ah oo si bilaash ah loogu daweeyo dadka qaba cudurka TB-da, isagoo xusay in dadka danyarta ah ee aan iska bixin Karin adeegyada isbitaalka ay fiiro gaar ah u yeelan doonaan, wuxuuna sheegay isbitaalka uu ka yimid, una yimid bulshada.
Agaasimaha ayaa sheegay in isbitaalada noocan ah ee taqasusiga ah ay bulshadu aad ugu baahan tahay “Waxaan rajeynayaa in aqoon caafimaad iyo Baahi caafimaad oo danbe aan dibad loo aadin maadaama la furay Isbitaalkan” ayuu yiri Prof. Guuleed.
Madaxa Maamulka iyo Maaliyada ee Isbitaalka taqasusiga ah ee Guuleed Cabaas C/qaadir Faarax ayaa isna sheegay in Dr. Mohamed Samy Salama oo u dhashay dalka Masar, kuna taqasusay qaliinka guud iyo koox dhaqaaatiir ah oo uu hogaaminayo ay ka fulin doonaan isbitaalka dhamaan qaliimada guud si lacag la’aan ah ama bilaash ah. inta u dhaxeysa 20ka ilaa 30 ka bishan Juun ee sanadka 2018.
Qaliimada la fulinayo ayuu sheegay iney ka mid yihiin dhagaxda ku jirta kalyaha iyo xameetida, qaliinka cunaha, qaliinka qanjirka taayroodka, qaliimada cudurada qabsinka sida bandijiidada, qaliimada burooyinka yar yar iyo waaweyn, qaliimada erniyada caloosha iyo xaniinyaha, qaliinka fistolaha iyo baabasiirka, qaliimada qanjirka baroostatkka iyo qaliimada burooyinka minka, isagoo ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed iney ka faaiideystaan, fursadaas qaaliga ah, iskana diiwaan geliyaan xarunta Isbitaalka Guuleed.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com