Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

DF oo ka hadashay Go’aanka dowladda Kenya ku fasaxday duulimaadyadii Somalia

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay in dowladda ay soo dhaweyneyso in Kenya ay dib u furtay duulimaadyada labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya, isla markaana wixii hadda ka dambeeya ay gudaha dalka imaan karaan diyaaradaha ka soo kicitimayo Kenya, halka kuwa Soomaaliya ka tegayana ay tegi doonaan Kenya.

Maxamed Ibraahim Macalimuu Afhayeenka ayaa xusay in tani ay xoojineyso xiriirka saaxiibtinimo ee labada ee dariska ah.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib qoraal ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibbada dalka Kenya lagu sheegay inay dib u furtay hawadeeda inay diyaaradaha ka soo duula Soomaaliya ay yimaadaan dalka Kenya, taasi oo ka dambeysay markii ay xiriir wada sameeyeen Wasaarada arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya.

Kenya ayaa sheegtay in dib u soo celinta xiriirka duulimaadyada labada dal uu wax ka tari doono xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal ka dhexeeya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Biden oo dhoor mar kufay xili uu Diyaarada Air Force One raacayay (Sawirro)

Cabdi Cade

Shirka Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha oo Muqdisho ka furmay (Sawirro)

Cabdi Cade

Digniin laga soo saaray Weerar laga cabsi qabo in lagu qaado Garoonka Aadan Cadde

Cabdi Cade
Taboola Ads ---