Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Maxay Cumar Filish & Xijaar kala hadleen Taliyeyaasha saldhigyada Muqdisho?

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Miqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar) ayaa maanta kulan la qaatay Taliyeyaasha Saldhigyada Booliska Gobolka Banaadir.

Kulanka oo uu sidoo kale ka qeyb galay iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Farxaan Maxamuud Qaroole ayaa looga  hadlay Amniga Guud ee caasimada iyo u diyaar garowga xuska maalmaha Xorriyadda ee 26-ka June iyo 1da Luulyo.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan (Saalax dheere) oo kulanka faahfaahin guud ka bixiyay ayaa sheegay in sidoo kale looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee amniga magaalada Muqdisho xoojinta iyo wada-shaqeynta hay’adaha Amniga iyo Mas’uuliyiinta degmooyinka.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in kulanka diirada lagu saaray sidii loo joogteyn lahaa kulamada looga hadlayo amniga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/zJjlSUxDQJ0

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay Kulamo Xasaasi ah oo caawa ka socda Dhuusomareeb

Cabdi Cade

Qaar ka mid ah Isbitaalada Gaza oo xirmay ka dib caqabad adag oo soo wajahday

Caydiid Ali

Keir Starmer oo shaaciyay in uu dhintay Qorshihii Musaafurinta Muhaajiriinta

Cabdi Cade
Taboola Ads ---