Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Madaxweyne Biden oo safarkiisii ugu horeeyey dibeda ku tagay dalka..

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa safarkiisii ugu horreeyay dibeda tan iyo markii uu yimid Aqalka Cad ku tagay Ingiriiska, halkaasoo ugu qeybgali doono shirka ururka G7 oo dooddiisa ugu badan ay noqon doonto tallaalka xanuunka COVID-19.

Biden oo socdaalkiisa Qaaradda Yurub uu qaadan doono muddo siddeed maalmood ah ayaa wuxuu kale dib ugu yagleeli doonaa xiriirkii Mareykanka iyo xulufadiisa, kaasoo xumaaday intii uu talada hayay Madaxweyne Donald Trump.

Wakaalada wararka ee Reuters ayaa qortay in Madaxweyne Biden uu sidoo kale 16-ka June magaalada Geneva ee waddanka Switzerland kula kulmi doona madaxweynaha Ruushka Vladmir Putin, waxaana Biden qorshihiisu yahay in Putin uu kala hadlo walaaca ku saabsan weerarada madax furashada ah ee ka imaanaya Russia, faragalinta Moscow ee Ukraine iyo arrimo dhowr ah oo kale, waxaana kulanka uu noqon doona midka ugu saameynta badan inta uu safarkiisa ku jiro, maadaama Putin uu xiriir wanaagsan lalahaa madaxweynihii isaga ka horreeyay.

Biden wuxuu maalinta Khamiista ah sidoo kale kulan la yeelan doona Ra’isul Wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson, kaasoo ka dhici magaalada xeebta ah ee Cornwall, waxaana labada hoggaamiye dib u soo cusbooneysiin doonaan xiriirka gaarka ah ee u dhexeeya Mareykanka iyo Ingiriiska.

Marka uu dhammaado shirka G7 oo socon doona muddo saddex maalmood ah, waxay Biden iyo marwadiisa Jill Biden booqasho ugu tagi doonaan boqoradda Ingiriiska Queen Elizabeth, waana markii labaad oo Biden la kulmo boqoradda Ingiriiska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo oo Khudbad ka jeediyey Munaasabada heshiiska Nabada ee Sudan (Sawirro)

Caydiid Ali

Jidadka Magaalada Beladweyne ee maanta la xiray & dad Xabsiga lagu guray

Caydiid Ali

11 Sano ka dib Maxaan ku arkay Muqdisho? (Warbixin xaqiiqooyin kala duwan xambaarsan)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---