Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Trump oo Nigeria ku amaanay talaabada ay dalkeeda kaga Mamnuucday Twitter

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, ayaa ku ammaaney dowladda Nigeria sida ay ugga manuucday dalkeeda Twitter-ka.

Nigeria ayaa talaabadan qaaday ka dib markii ay ka carootay go’aan shirkadda Twitter ku tirtirtey qoraal uu soo galiyey Madaxweyne Muhammadu Buhari.

Trump ayaa ku booriyey dalalka kale in sidan oo kale ay u mamnuucaan shirkadaha Facebook iyo Twitter-ka, maadaama aaney oggoleyn shirkadahan xoriyadda hadalka.

Trump ayay labada shirkadood ee Twitter-ka iyo Facebook waxay horey uga xireen bartii uu ku lahaa dagaladooda, ka gadaal markii kooxo mudaaharaadaya ay galeen aqalka congress-ka bishii January.

Qoraaladii uu soo galinayey baraha bulshada ee labadan shirkadood, ayaa loo aaneeyey kicinta iyo qarbudaada ay geysteen kooxihii galey Congress-ka.

Trump ayaa intaa raaciyey in shirkadahan aaney kala saari karin waxa xun iyo waxa wanaagsan, isagoo ku tilmaamey Twitter-ka iyo Facebook  iney sheydaamo yihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) RW Rooble & Wafdi uu horkacayo oo goor dhow gaaray Dhuusamareeb

Caydiid Ali

Warrakii u Dambeeyay Dagaal fool ka fool ah oo dhax maray Ciidamada Isreal iyo Xamaas

Cabdi Cade

Madaxweyne Afrikan ah oo ka hadlay Sixir saameyn ku yeeshay Ciyaartoyda Qarankiisa

Cabdi Cade