Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wararkii u dambeeyey dagaalo maanta ka dhacay Daynuunay & Khasaare ka dhashay

Xaalada degaanka Daynuunay ee duleedka Baydhabo ayaa degan ka dib dagaal culus oo maanta ku dhexmaray ciidamada DF iyo kuwa Al-Shabaab

Dagaalkan ayaa bilowday markii ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay weerarreen saldhig ciidamada dawladda ku lahaayeen deegaanka Daynuunaay, oo qiyaastii 30 km u jira magaalada Baydhabo.

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo kala duwan u dagaalka ayaa socday muddo saacado ah, iyadoo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Al-shabaab ayaa la sheegay iney la wareegeen degaanka Daynuunay intii uu socday dagaalka inkastoo ay isaga baxeen gelinkii dambe ee maanta.

Wararka halkaasi kasoo baxaya ayaa sheegaya in khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh uu kala gaaray labada ciidan ee dagaalamay inkastoo aan tirakoob sax ah laga heynin.

Isgaarsiinta magaalada Baydhabo oo muddo hawada ka maqnayd sababo aan la sheegin, ayaa haatan dib hawada ugu soo laabatay, waxaana wararkii ugu dambeeyey ay sheegayaan in ciidamada xoogga dalka ay gacanta ku hayaan degaanka, ayna halkaas ka wadaan howlgalo lagu xoojinayo amaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliye ku-xigeenkii Booliska G/Banaadir oo u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray..

Caydiid Ali

Al Shabaab oo saakay weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday Saldhig ciidan iyo Dagaal socda

Cabdi Cade

Taliban oo magacowday Wasiiro cusub, taliyaha Sirdoonka iyo Duqa Magaalada Kabul

Caydiid Ali