Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Guddigii farsamo ee uu Magacaabay Rooble oo kulankii ugu horeeyey yeeshay

Kooxda Farsamada Doorashooyinka ee uu magacaabay Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta yeeshay kulankoodii ugu horeeyey oo ay diiradda ku saareen arimaha farsamo ee mudnaanta u leh Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya si uu habsami uga fuliyo howlaha doorashooyinka ee uu xilsaaran yahay.

Guddigaan waxaa uu  raisal wasaaraha ay ka taageeri doonaan:

  1. In qodobadii heshiiska lagu gaaray shirkii Golaha wadatashiga Qaranka 27 ka May 2021 loo fuliyo si habsami ah.

2.Xiriirinta dhamaan hayadaha ku shaqada leh arrimaha doorashooyinka si  loo  hagaajiyo habsami u xiriirka hayadaha wada shaqeynaayo

  1. In taageero farsamo uu siiyo guddiyada doorashooyinka.

4.Xiriirinta XR, Golaha wadatashiga qaranka iyo bessha caalamka.

Doorashooyinka Soomaaliya waxa maamulaya hirgalintooda guddiyada madaxa bannaan ee heer Federal iyo Heer dowlad Goboleed  iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka.

Kooxdan Ra’isul Wasaaruhu magacaabay waxa ay shaqadoodu ku kooban tahay inay farsamo ahaan gacansiiyaan guddiyadaas kor ku xusan si howlaha doorashada ugu qabtaan si daahfuran oo madax bannaan.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/qZOQRKFr5Vc

Related posts

Shariif Xasan oo dhagax dhigay Mashruuc laami laga dhisayo Magaalada Baydhabo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Kaamirooyin duubay Doofaarka Dunida ugu fool xun !!

admin

Cafis Madaxweyne oo loo fidiyay in ka badan Sadex Boqol oo Maxaabiis ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---