Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Haween loo Magacaabay Madaxweyne kuxigeenka iyo Ra’isul Wasaaraha dalka Uganda

Madaxweynaha dhawaan dib loo doortay ee dalka Uganda Yuweri Museveni ayaa soo magacaabay Madaxweyne kuxigeen, Ra’isul Wasaare iyo golaha cusub ee Wasiirada Xukuumada Uganda.

Yuweri Museveni, ayaa Madaxweyne kuxigeen iyo Ra’isul Wasaare u magacaabay labo haween ah oo horey xilal kala duwan uga soo qabtay dowlada Uganda, waxa ayna magacaabistan hadal heyn badan ka abuurtay dalka Uganda.

Madaxweyne Museveni ayaa Madaxweyne ku xigeenka Uganda u magacaabay haweeney lagu magacaabo Jessica Alupo oo horey uga tirsaneyd saraakiisha ciidamada Uganda halka ra’iisul wasaare loogu magacaabay Robinah Nabajja oo iyana xilal kala duwan soo qabatay.

Haweenka dalka Uganda ayaa si weyn usoo dhaweeyay in xilal sare loo magacaabo haween, waxa ayna sheegeen talaabadan uu qaaday Madaxweynaha in ay dhiiro galineyso ayna sare u qaadeyso hamiga haweenka dalka Uganda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/qZOQRKFr5Vc

Related posts

Angela Merkel oo 16 sano ka dib wareejisay xilka Ra’sul Wasaaraha (Sawirro)

Caydiid Ali

Farmaajo oo loo dhaariyay Xildhibaan aan dhicin iyo Mooshin laga gudbiyay oo fashilmay

Cabdi Cade

Cabdiraxmaan Cabdishakuur” Taliyaha NISA waxa uu Wareysan jiray Madaxda Al Shabaab”

Cabdi Cade
Taboola Ads ---