Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Sacuudiga oo 30 sano ka dib Safaaradiisa ka furanaya Magaalada Muqdisho

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji, ayaa maanta oo Talaado ah, ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda, wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo uu hoggaaminayay lataliye Abdusalam bin Abdullahi bin Rashud Al-Anzi.

Danjire Maxamed Cali-Nuur ayaa soo dhoweeyay wafdiga Sacuudiga, isagoo caddeeyay in Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay tahay dowlad walaal ah oo xiriir qotodheer oo ku sal go’an ilbaxnimo iyo dhaqan uu kala dhexeeyo Soomaaliya, iyadoo ah dowlad wax wadaag istiraatiijiyadeed, waxa uu bogaadiyay taageerradeeda bani’aadannimo iyo mowqifyada heer caalami ee ay ku garab istaagto Soomaaliya.

Kulankani ayaa intiisa badan diiradda lagu saaray qabanqaabada dib u furista Safaarada Sacuudiga ee Caasimada Muqdisho, iyadoo adeegyadeedana laga soo wareejinayo caasimada Kenya ee Nairobi, iyo xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan ee dano wadaagga ah oo ay ku jirto siyaasadda, dhaqaalaha, ganacsiga , dhaqanka iyo waxbarashada si looga guul keeno yididiillada iyo himilooyinka labada dal iyo labada dad ee walaalaha ah.

Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa qado sharaf maanta ugu sameysay wafdiga Sacuudiga huteelka caanka ah ee Elite ee ku yaal caasimadda, si ay ugu raaxeystaan ​​deganaanta, jawiga raaxada leh iyo hawada nadiifta ah ee Xeebta Liido ee quruxda badan.

Related posts

Doorashada Galmudug oo amar cusub laga soo saaray &faah faahin ku saabsan Ciidankii saakay la geeyay Dhuusomareeb !!

admin

Dukaanle Sabab Cajiib ah u gubay buugga deymaha ee macaamiishiisa (Sawirro)

Cabdi Cade

Dr Dufle oo mar kale loo doortay Senator katirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---