Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Haweeney 37 jir ah oo mar kaliya umushay toban caruur ah (Daawo Sawirro)

Gosiame Sithole oo ah haweeney 37 jir ah ayaa 10 carruur ah ku dhashay xalay Magaalada Tembisa ee dalka South Africa.

Caruurtan oo dhamaantood caafimaad qaba ayaa ka kooban 7 wiil iyo saddex gabdhood oo mataane ah.

Ninka ay u dhaxdo Gosiame oo lagu magacaabo Teboha Tsotetsi oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay caruurta faraha badan ee ay xaaskiisa mar kaliya ay xaaskiisa u dhashay.

Qoyskan oo ah mid sabool ah ayaa ka walaacsan sida ay u korin lahaayeen 10ka caruurta ah.

Bishii hore waxaa 9 carruur ah ku ummushay dalka Morocco Marian Halima Cisse taas oo ka dhigtay haweeneyda adduunka ee haysata koobka dhalmada laakiin markaan waxaa dhaaftay Gosiame oo hal mar dhashay 10 carruur ah. Saxaafadda ayaa aad u tabineysa dhacdadan oo aan inta badan la arkin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/8jYR5GbwHgw

Related posts

Doorashada kuraas ka banaan Golaha shacabka oo ka socota Magaalada Baydhabo

Caydiid Ali

Farmaajo oo qorshayaal culus ka damacsan dib u dhigista magacaabista R/Wasaaraha

Cabdi Cade

Xukun Xabsi Daa’in ah oo lagu riday Ibraahim Cusmaan Abiikar iyo Dambiga lagu helay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---