Baaritaano la sameeyay ayaa lagu ogaaday in ciidamo Soomaali ah oo tababar loo geeyay dalka Eritrea ka qeyb qaateen dagaalkii ka dhacay gobolka Tigrey , waxa ayna ciidamadan Soomaalida ah iyo kuwa Eritrea taageerayeen ciidamada federaalka Itoobiya.
Warbixin khaas ah oo uu soo saaray baaraha khaaska sidoo kale ah ergayga QM ugu qaabilsan Xuquuqda Aadanaha ayaa lagu sheegay in ciidamo Soomaali ah oo tababar loo geeyay Eritrea ku lug yeesheen dagaaladii ka dhacay gobolka Tigrey ee dalka Itoobiya.
Warbixinta uu soo saaray ergayga qaramada Midoobay u qaabilsan Xaquuqul Insaanka ayaa lagu sheegay in ciidan Soomaali ah laga qaaday Xeradii Tababarka, lana geeyey Jiidda hore ee Dagaalka ee Gobalka Tigrayga.
Ciidamadan Soomaalida ah ee laga qaaday xeradii lagu tababaray ayaa wehlinayay ciidamo kale oo katirsan milatariga dowalada Ertirea oo ka gudbay xadka Itoobiya si ay dagaalka ugu taageeraan ciidamada federaalka Itoobiya.
Warbixintan ayaa lagu sheegay in ciidamada Soomaalida ee dagaalka loo geeyay gobolka Tigrey lagu arkay Aksum ee Gobolka Tigray, ciidamadan ayaana dhinac jooga kuwa kale oo u dhashay dalka Eritrea.
Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay ka qeyb qaadashada askarta Soomaaliya ee dagaalada Tigreega, waxaa sidoo kale lagu soo waramayaa in guddi ka socda baarlamaanka Soomaaliya ay ka dalbadeen madaxweynaha Soomaaliya sharaxaad ku saabsan halka ay ku dambeeyeen ciidamadii Soomaaliya ee loo diray Eritrea.
Ergeyga gaarka ah waxaa lagu wargaliyay in guddiga arimaha dibada iyo difaaca ee baarlamaanka Soomaaliya ay u yeereen madaxa dowlada si ay ugu diraan Asmara wafdi xaqiiqa raadis ah si baaritaan loogu sameeyo.
Warbixintan kasoo baxday Qaramada Midoobay ayaa kusoo aadeysa xili dhalinyaro Soomaaliyeed oo tababar loo geeyay dalka Eritrea la sheegay in qasab lagu galiyay dagaalka gobolka Tigrey halkaasna lagu dilay qaar badan oo kamid ah.
Waalidiinta Soomaaliyeed ee wiilashooda loo qaaday Eritrea kuwaa oon wali aan ka war heyn nolol iyo geeri ayaana marar badan banaan baxyo ka dhigay Muqdisho, waxa ayna dowlada ka dalbanayeen in caruurtooda meel ugu sheegto wiilashooda ka maqan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
https://youtu.be/D3TIgY4PDkQ