Taliyaha Qeybta Booliska ee Gobolka Banaadir ayaa galabta kormeeray wadadda isku xirta magaalada Muqdisho iyo Afgooye, kadib cabasho ka timid dadka iyo gaadiidleyda adeegsada wadaddaasi oo dhowaan dib u dhis lagu sameeyey inkastoo weli aan si rasmi ah loo furin.
Wadada waxaa kaliya loo ogol yahay Mootooyinka Dhugdhugleyda ah ee laba lugta leh, iyadoo gaadiidka kale ay maraan jid caddeyaal qarda-jeex ah oo ay laamiga ah kaga soo dhacaan meelo dhexe.
Warbixin muuqaal oo idaacad ku taalla Muqdisho ka diyaarisay xaaladda jidkaasi ka taagan iyo dhibaatada lagu qabo oo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa soo shaac bixisay lacago baad ah oo Mootooleyda iyo gaadiidka kale ay ka qaataan ciidamada isbaarooyinka dhigtay Jidkaasi, waxaana dadka iyo gadiidleydu ka warrameen xaaladda adag ee ka taagan Jidka
Taliyaha Qeybta Booliska G/Banaadir Farxaan Maxamed Aadan (Qaroole) oo halkii uu wax ka qaban lahaa isku dayaya inuu beeniyo warbixinta la faafiyey ayaa  kormeer ku tagay halkaasi, isagoo adeegsanaya warbaahinta taageerta dowladda oo diyaarisay warbixin lagu beeninayo xaqiiqada la soo bandhigay, kuwaasoo baahiyey in wax dhibaato ah aysan ka jirin jidkaas, taasoo ah mid xaqiiqada ka fog.
Farxaan Qaroole ayaa furay wadooyin jid-caddeyaal ah oo soo gala laamiga, siiba wadada gasha xaafadda Galmdug oo ah xaafadii ugu daran ee xabsiga ahayd, iyadoo jidkaasina uu xirnaa in ka badan labo sano
Dadka adeegsada waxay qabaan dhibaatada ay ku jireen muddo labo sano ah iyo xaalad kale oo ku sii korortay markii uu dhammaaday dhismihii Jidkaasi oo ah lacag baad ah oo looga qaadayo jidkaasi oo dhismihiisa ay ku naf waayeen dad badan oo iskugu jira Soomaali iyo ajaaniib.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com