Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Deni oo digniin siiyey shaqsiyaad ku sugan Garoowe, laamaha amnigana faray..

Madaxweynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa daah furay Barnaamijka Qorsheynta Dhulka Caasimadda Garoowe.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Hay’adda Cilmi baarista Puntland ee PDRC, ayaa lagu soo bandhigay xog maqal iyo muuqaal ah oo hab farshaxameysan ay Dowladda hoose ee Garoowe ku faahfaahisay Qorsheynta dhulka caasimadda iyo sida loo hirgelinayo.

Madaxweyne Deni ayaa u digay dadka inta badan dhulka xoogga ku qabsaday, isagoo faray laamaha amniga iyo hay’adda garsoorka in dadkii lagu helo Dhul boob la marsiiyo sharciga.

Madaxweynaha ayaa muujiyay muhiimada ay leedahay in Mustaqbalka Garoowe loo diyaariyo mid horumarsan oo ka quruxbadan dhinac dhisme iyo dhinac kasta, wuxuuna ku baaqay dowladd iyo shacaba in taasi laga wada shaqeeyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Buufinkii Basaaska looga shakiyay oo la qarxiyay iyo Madaxweyne Joe Biden oo ka hadlay

Cabdi Cade

Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland oo la geeyay Madaxtooyada Deni (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Banaan baxyo rabshado wata oo laga cabsi qabo in Muqdisho ka dhacaan iyo ciidamo badan oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---