Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Jubbaland oo War ka soo saartay duqeyntii dayuuradaha Kenya ka geysteen Gedo

Maamulka Jubbaland ayaa markii ugu horeysay ka hadlay duqeymo la sheegay inay diyaarado ay leedahay Kenya ka geysteen deegaano ka tirsan gobolka Gedo, kuwaasoo khasaare nafeed uu ka soo gaaray shacabka gobolkaas.

Wasiirka Amniga Jubbaland Jeneraal Yuusuf Xuseen Cusmaan (Dhuumal) ayaa sheegay in duqeymaha noocaas ah aan loo baahnayn in mar dambe ay dhacaan.

“Dhacdooyiinkii ka dhacay degmada Ceelwaaq iyo CeelCadde oo ahayd arrinta duqeynta ay wax ku noqdeen dad shacab ah waxaa loo baahan yahay inaysan mar dambe dhicin arrintaas isla markaana waan ka tacsiyaynaynaa dadkii wax ku noday” ayuu yiri Jeneraal Yuusuf Xuseen Cusmaan (Dhuumal) Wasiirka amniga jubbaland

Jen. Dhuumaal ayaa  intaa ku daray in baaritaan ku saabsan duqeymahaasi la sameyn doono, loona baahan yahay in dowladda fedaraalku ay arrintaasi daba gasho.

“Arrintaa waa inay dowladda fedaraalka ee Soomaaliya ay dabagasho xaaladeeda iyo qaababka ay wax u dhaceen, diyaaradahaas meesha ay ka socdeen inay daba gasho” ayuu intaas ku daray Jeneraal Yuusuf Xuseen Cusmaan (Dhuumaal) Wasiirka amniga Jubbaland.

Dowlada Somalia ayaa dhowaan si kulul u cambaareysay duqeynta dayuuradaha Kenya oo dad shacab ah iyo xoolaba ku laayey degaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo.

Taliska AMISOM ayaa isna sheegay inuu baarayo eedeynta dowlada ee sheegaysa duqeynta ka dhacday Gedo in dad rayid ah  lagu dilay, iyagoo aan soo hadal qaadin Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka & xulafadiisa oo isku khilaafay hub halis ah oo la siiyey Ukraine

Caydiid Ali

Ciidamada kahortagga argagaxisada oo qalab casri ah helay (Sawirro)

Cabdi Cade

Dagaal xoogan oo ka socda magaalada Jowhar iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---