Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliban oo ka farxisay dadkii la shaqeeyey ciidanka Maraykanka ee ka baxaya Afghanistan

Kooxda Taliban ayaa ku boorisay dadka reer Afghanistan ee la shaqeynayay militariga Mareykanka iyo NATO ee dalkaasi ka baxaya inaysan uga tagin dalkooda cabsi ay ka qabaan inay kooxdan ka aargudato.

Ballanqaadka ay Taliban sameysay Isniinta maanta ah ayaa imanaya iyadoo kumanaan reer Afghanistan ah una badan turjubaano la shaqeynayay Maraykanka iyo dalalka xulafadiisa ah ku dhowaad labaatameeyo sano oo ay dalkaasi joogeen ay ka baqayaan aargoosiga Taliban, islamarkaana aad u daneynayaan in ay helaan fiisaha dal ku galka Mareykanka.

“Taliban ma wareeri doonto, laakiin waxay ugu baaqeysaa inay ku laabtaan noloshoodii caadiga ahayd iyo haddii ay khibrad u leeyihiin dhinac kasta, inay dalkooda ugu adeegaan. Wax khatar ah dhinaceenna kama jiri doonto,” ayay Taliban ku tiri bayaan ay u dirtay Warbaahinta.

Askariga ugu dambeeya ee ciidamada Mareykanka iyo xulufadiisa ayaa lagu wadaa inuu dalka Afghanistan ka baxo bisha September 11-keeda ee sanadkan.

Qiyaastii 18,000 oo Afghaniyiin ah ayaa sugaya fiisooyinka Mareykanka ee muhaajiriinta gaarka ah ee loo soo gaabiyo SIV, waxaana jira walaac ah in maamulka madaxweyne Joe Biden uusan awoodin in uu dhammaantood wada qaado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo soo bandhigtay Meydadka askartii ay ku dishay weerarkii Ceel-Baraf (Sawirro)

Cabdi Cade

Xukun Dil ah oo goordhaw lagu fuliyay Nin dil aad looga naxay ka geestay Baydhabo (Sawirro)

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Caan ah oo loo diiday in ay ka cunteeso Maqaayad iyo Sababta keentay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---