Allbanaadir.com
NEWS

Beesha Mudulood oo Diyo ka bixisay labo nin oo katirsan Al Shabaab oo ay dileen

Odayaal kasoo jeeda beesha Mudulood ayaa lacag diyo ah ka bixiyay dil dad ku heyb ah u geesteen labo dagaalyahan oo katirsanaa kooxda Al Shabaab, kadib munaasabad ka dhacday deegaanka Kuunya Barrow ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Beesha Mudulood ayaa lagu xukumay in ay diyo ka bixiyaan labo dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab ay dileen oo kasoo jeeday Beesha Garre, dagaalyahanadan la dilay ayaa ku baxay sidii ay u kala dhax gali lahaayeen labo beel oo ku dagaalameysay S/ Hoose.

Warbaahinta Al Shabaab ayaana baahisay in beesha Mudulood ay dhameestirtay lacagta diyada ah ee laga rabay oo qaar kamid ah horey u bixisay, waxaana munaasabada lacagtaasi lagu bixinayay ku sugnaa masuuliyiin iyo saraakiil katirsan Al Shabaab.

Al Shabaab ayaa awood u adeegsata joojinta dagaal beeleedyada mararka qaar ka dhaca deegaanada ay maamulaan, hasa ahaatee waxaa dadka ku cusub in beelaha dagaalama ay dilaan kadibna diyo ka dhiibaan dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Feysal Cali Waraabe: “Waxaan hayaa Xog qarsoon oo la xiriirta kulankii Biixi & Farmaajo”

Caydiid Ali

Faah Faahino kasoo baxaya dil argagax lahaa oo loo geestay Nasro Cabduqaadir Maxamed

Cabdi Cade

Beesha Caalamka oo Dadaalo cusub ka biloway magaalada Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---