Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

DEG DEG: Nin Maalmo ka hor xaaskiisa ku dilay Muqdisho oo gacanta lagu dhigay

Taliska ciidanka Booliska Somalia ayaa goor dhow shaaciyey in gacanta lagu soo dhigay Nin maalmo ka hor xaaskiisa ku dilay degmada warta Nabada ee magaalada Muqdisho

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayaa hada gacanta ku haya eedeysane Bashiir Cabdi Xasan, oo horay xaaskiisii Salaado Faarax CaliĀ  ugu dilay Degmada Wartanabada ee Gobolla Banaadir 4tii- June- 2021” ayaa lagu yiru qoraal ka soo baxay Booliska

Faahfaahin lagama bixin qaabka ay ugu suuragashay soo qabashada ninkan iyo halka uu ku sugnaa markii la soo qabanayey balse qoraalka Booliska ayaa lagu sheegay in eedeysanaya uu wajihi doono Cadaalada.

“Qoraalka BoolEedeysanaha oo aan horay u baahinay in lagu magacaabo Bashiir Cali Jaamac. laakiin, aan ogaanay inĀ  magaciisa runta ah uu yahay Bashiir Cabdi Xasan, eedeysanuhu wuxuu wajahidoonaa Cadaalada, hadii alle idmo” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/OywzNSNNAkA

Related posts

Xildhibaan Khaliif Haashim Nuur oo caawa lagu dilay Qarax iyo Al Shabaab oo ka hadashay

Cabdi Cade

Xassan Shiikh oo beri u ambabaxaya safar kale oo dibeda (Halkee ku sii jeedaa)

Caydiid Ali

Ciidamo ka amar qaata dowlada federaalka oo la wareegay Balad Xaawo iyo Doolow

Cabdi Cade
Taboola Ads ---