Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiir ka tirsan DFS oo ku baaqay in la baaro doorashadii ka dhacday Somaliland

Wasiirka haweenka iyo arrimaha qoyska ee Xukuumada Somalia Xaniifa Xaabsade ayaa shaki ka muujisay sababta keentay ineysan wax haween ah ku soo bixin doorashooyinkii goleyaasha wakiilada iyo degaanka ee ka dhacay Somaliand.

Xaniifa Xaabsade ayaa ku baaqday in baaritaan lagu sameeyey sababta keentay in doorashasa aysan ku soo bixin haween badan oo isku soo sharaxay doorashadaas.

“Doorashada qof iyo codka ah ee Somaliland, 82 kursi oo Baarlamanka loo tartamay hal dumar ah kama soo bixin . Sidoo kale 221 kursi oo golayaasha deegaanka ah haweenku keliya waxay heleen sadex  xildhiban deegaan!. Waxaa ka dhacay doorasho rag iyo cod ah oo bulshada u dhamayn waxaa baaris u baahan arintaan waxa keenay ? iyo sababta haweenka doorasha qof iyo cod saamayn uga yeelan waayeen” ayey wasiirada

Wasiirka haweenka iyo arrimaha qoyska ee Xukuumada Somalia Xaniifa Xaabsade ayaa intaas ku dartay in Golahii hore ee wakiilada somaliland ay ku jirtay hal gabar oo keliya, waxayna isweydiisay sababta ay haweenku saameyn ugu yeelan waayeen doorashada Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/OywzNSNNAkA

Related posts

Amar dil ah uu bixiyay Madaxweyne Donlad Trump oo la fuliyay

Cabdi Cade

Daawo: Farmaajo oo bilaabay xeelad cusub oo uu ku raadinayo muddo kororsi & Qaylo-dhaan ka timid sharciga Galmada

Caydiid Ali

Hoy uu Muqdisho ka degan yahay Taliyaha ciidanka Haramcad oo la weeraray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---