Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Qatar oo soo saartay War-saxaafadeed tacsi loogu diray qoysas Soomaali ah

Dowladda Qatar ayaa u cambaareysey weerar is-miidaamin ah oo shalay ka dhacay goob baabuurta rakaabka laga raaco oo ku taalla magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

War-saxaafadeed ay maanta soo saartay wasaaradda arrimaha dibedda Qatar, oo ay baahisay wakaaladda wararka dalkaas ee QNA, ayaa lagu sheegay in dowladda Qatar ay dib u xaqiijineyso mowqifka “ay ku diidan tahay rabshadaha iyo argagixisanimada, ayada oo aan loo eegeyn ujeedooyinka iyo sababaha laga leeyahay.”

Wasaaradda ayaa sidoo kale tacsi u dirtay qoyaska dhibanayaasha weerarka, iyo dowladda iyo shacabka Soomaaliya, ayada oo kuwa dhaawac ahna u rajeysay soo kabasho deg deg ah.

Toddobaadyadii dhowaa waxaa magaalada Muqdisho kusoo kordhayey weerarada is-miidaaminta ah ee ay fulinayaan shaqisyaadka is-qarxinaya waxaana aad u yaraaday qaraxyadii lagu fulin jiray baabuurta.

Weerarkaas ayaa waxaa ku dhintay qofkii is-qarxiyey iyo qof shacab ah, waxaana ku dhaawacmay 23 qof oo kale, sida ay sheegeen saraakiisha booliska Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gaari looga shakiyay Waxyaabaha Qarxa oo gudaha u galay Xarunta Madaxtooyada

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo magacaabay Guddiga diyaarinta wada xaajoodka Arrimaha Federaaleynta dalka

Cabdi Cade

(Sawirro) Maxkamad ku taalla Sacuudiga oo xukun daldalaad ah ku riday Wiil 17 sano jir ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---