Allbanaadir.com
NEWS

Rooble oo Xilka ka qaaday Agaasimayaal Guud kuwa kalana magacaabay (Magacyada)

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Xukuumada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilka looga qaaday agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Warfaafinta iyo arimaha gudaha.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaana u magacaabay agaasimaha guud ee Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumada Soomaaliya Cabdullaahi Xayir Ducaale oo horey usoo noqday agaasimaha guud ee Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha.

Waxa uu sidoo kale Ra’isul Wasaaraha Xukuumada xil gaarsiinta Soomaaliya u magacaabay agaasimaha guud ee Wasaarada arimaha gudaha iyo federaalka Mudane Saciid Cabdullaahi Calasow.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa dhawaan sidaan oo kale xilalka uga qaaday agaasimayaashii Wasaaradaga Gaashaandhiga iyo Caafimaadka, isagoona magacaabay agaasimayaal cusub oon iyana bedelay kuwii xilka laga qaaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddigii uu magacaabay C/wali Gaas oo soo saaray shuruudaha Xildhibaanada cusub ee Puntland

Caydiid Ali

Wararkii ugu dambeeyay dibad-baxyadii Dhuusamareeb & shaki laga qabo..

admin

Madaxweyne Farmaajo oo si qurux badan loogu soo dhaweeyay Adis Ababa (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---