Allbanaadir.com
NEWS

Xisbiyada Wadani iyo UCID oo sameestay Isbaheysi cusub oo ka dhan ah Kulmiye (Akhriso)

Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ee Wadani iyo UCID ayaa maanta sameestay isbaheysi cusub oo ka dhan ah xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye, xili labadan xisbi doorashooyinkii dhacay kuraas badan ku guuleesteen.

Kulan ay maanta yeesheen hogaanka Xisbiyada Wadani iyo UCID ayey ku go’aansadeen in ay si wadajir ah u sameestaan guddiyo ayna noqdaan isbaheysi si ay wadatashi uga sameestaan sidii talada looga tuuri lahaa xisiga Kulmiye.

Labadan xisbi ee kasoo horjeeda xisbiga talada haya ee Somaliland ayaa wararku sheegayaan in ay ku heshiiyeen in ay isku baheestaan sidii ay ugu guuleesan lahaayeen guddoomiyaasha degmooyinka iyo guddoonka golaha wakiillada Somaliland.

Xisbiga Wadani uu hogaamiyo Siyaasiga Cabdiraxmaan Cirro ayaa guulo ka gaaray doorashada gollaha Wakiilada iyo deegaanka Somaliland, waxa uuna xisbigan noqday kan helay kuraasta ugu badan ee doorashada.

Isbaheysiga ay sameesteen xisbiyada mucaaradka UCID iyo Wadani ayaa culees ku noqonaya xisbiga Kulmiye oo lumiyay kuraas badan qarkana u saaran in isbaheysigan uga guuleestaan hogaanka golaha Wakiilada iyo degmooyinka gobolada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Shirkadaha Isgaarsiinta oo Beeniyay Qoraalkii Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Somalia

Cabdi Cade

Generaal Xirsiile oo ka hadlay sida ay ku dhacday Geerida Maxbuuskii uu Isbitaalka kala baxay

Cabdi Cade

Shir xasaasi ah oo ka dhacay Xafiiska Raisul Wasaaraha

Caydiid Ali
Taboola Ads ---