Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

QM oo digniin ka bixisay Mashaqo ku soo wajahan qeybo ka mid ah Somalia & Itoobiya

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay raxan Ayax ah oo ku soo wajahan qaybo ka mid ah dalalka  Itoobiya iyo Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunnada iyo Beeraha ee FAO ayaa waxa lagu sheegay inkastoo meelo ka mid ah Soomaaliya & Itoobiya uu ka da’ay roob taasina ay yareysay cabsida laga qabay ayaxaaya hadana waxaa laga cabsi qabaa in Soomaaliya & Itoobiya markale lagu arko ayax farabadan oo dhibaatoyin kala duwan geysta.

Hay’adda FAO ayaa saadaalisay saameynta uu bariga Itoobiya & Waqooyiga Soomaaliya  ka geystay Ayaxa, sidoo kalena labada dal uu Ayaxa ku soo wajahan yahay dabayaaqada Bisha aan kujirno ee June, sidoo kalena waxaa la sheegay in ay macquul tahay inuu gaaro dalka Kenya oo deris la ah labada dal.

Sida laga soo xigtay FAO, hawlgallada hawada ka sokow, sahminta dhulka iyo kooxaha xakamaynta ayaa door muhiim ah ka ciyaari doona helitaanka iyo yareynta Ayaxa ka ka hor inta uusan si xooagn u soo gaarin Somaaliya iyo Kenya.

Dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya meelo badan oo ka mid ah waxaa horey ugu habsaday Ayax  farabadan, kaas oo baabi’iyay dalagyo dhowr ah oo baxayay Beero ku yaal Koonfurta & Bartamaha dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Donlad Trump oo laga duubay Cod sir ah oo Fadeexad ku noqotay

Cabdi Cade

Midowga Yurub oo Ballanqaad u sameeyay Ergay Cabdiraxmaan Cabdishakuur (Sawirro)

Cabdi Cade

Xiisada ka taagan Shiirkole oo laga cabsi qabo in Waji kale yeelato

Cabdi Cade
Taboola Ads ---