Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya Sadiikh Aadan Cali oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in qaraxii is-miidaaninta ahaa ee maanta ka dhacay isgoyska Ex Control ay ku geeriyoodeen haweeney shacab aheyd iyo qofkii is Naftii haligaha ahaa, uuna sababay dhaawaca 23 qof.
Sadiiq Aadan Cali wuxuu kaloo ka hadlay kiisaska haweeney uu dhawaan seygeedii ku dilay degmada Warta-Nabadda iyo gabar yar oo dhawaan meydkeeda laga dhex helay guriga waalidkeeda oo ay ku nooleed.
Waxa uu sheegay in lagu raad joogo eedeysanaha lagu tuhmayo inuu dilay Xaaskiisii, kaasoo macalin ka ahaa mid kamid ah Iskuullada Muqdisho, halka baaritaanka kiiska gabadhii meydkeeda laga dhex helay guriga waalidkeed uu meel fiican marayo oo loo soo qabtay ilaa iyo saddex ruux, kuwaasoo ay ku socdaan baaritaano culus.
Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in markii lasoo gabagabeeyo baaritaanka labadaas kiis ee lagu dilay gabdhaha ay natiijada la wadaagi doonaan hey’adaha cadaaladda dalka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com