Qarax Ismiidaamin ah oo la sheegay in uu fuliyay ruux jirkiisa kusoo xiray waxyaabaha qarxa ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Isgooska Ex-Koontarool Afgooye iyo Jaamacada Umadda ee magaalada Muqdisho.
Sida aan wararka ku helnay ninka waxyaabaha qarxa isku soo xiray ayaa isku qarxiyay ciidamo iyo dad shacab ah oo ku sugnaa barta ay ka xiran tahay Wadada aada Ex-Koontarool gaar ahaan halka loo yaqaan Wadada Macalin Nuur .
Xiliga qaraxu dhacayay ayaa la sheegay in goobtaasi soo gaareen ciidamo katirsan dowlada oo watay gaadiid dagaal kuwaa oo doonayay in loo furo wadada lagana qaado dhagaxa halkaasi ku xirnaa.
Qaraxa ismiidaaminta ah ayaa la sheegay in uu ka dhasshay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah iyo ciidamo, waxaana qaraxa kadib ciidamadii goobtaasi ku sugnaa fureen rasaas xoogan.
Booliiska Soomaaliya ayaan wali war rasmi ah kasoo saarin qaraxan goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho iyo khasaaraha ka dhashay, waxa uuna qaraxan saameyn ku yeeshay mudo daqiiqado ah ganacsigii aagaasii ka jiray.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com