Allbanaadir.com
NEWS

Qarax Goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Rasaas la maqlayo

Waxaa goordhaw qarax aan wali la ogeyn nuuca uu ahaa ka dhacay agagaarka Isgooska Ex-koontarool Afgooye gaar ahaan wadada aada xaafada Macalin Nuur ee Degmada Dharkeenley.

Qaraxa ayaa sida aan wararka ku helnay lala eegtay ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya oo ku sugnaa barta dhagaxa yaalo ee wadada aada Macalin Nuur, waxaana qaraxa kadib halkaasi laga maqlayaa rasaas aan la ogeyn cida rideysa.

Khasaaro ayaa lasoo warinayaa in ay ka dhasheen qaraxa goobtaasi ka dhacay iyo rasaasta ay ciidamada ridayeen, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay oo aheyd meel mashquul badan si deg deg ah uga cararay dadkii halkaasi ku sugnaa.

Waxii warar ah ee soo kordha kala soco wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Adeeg bilaash ah oo shacabka loo fidiyey Sanadguurada 2aad ee Madaxweyne Farmaajo (Sawirro)

Caydiid Ali

Soomaaliya Xaq Ma u Leedahay Inay Diido Soo Jeedinta Midowga Afrika ee Hawlgalka AMISOM?

Cabdi Cade

Imaaraatka oo ogolaaday in dalkooda lagu imaan karo Baasaboorka Somaliland

Cabdi Cade
Taboola Ads ---