Allbanaadir.com
NEWS

Somaliland oo amaro adag kusoo rogtay Musharaxiinta ku guuleestay Doorashada

Wasaarada arimaha gudaha maamulka Somaliland ayaa amaro kusoo rogtay musharaxiintii dhawaan ku guuleestay doorashooyinkii golaha Golaha Wakiilada iyo deegaanka maamulka Somaliland.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa ka digay in rabshado ka dhacaan deegaanada Somaliland marka si rasmi ah loogu dhawaaqo natiijada doorashada.

Waxa uu sheegay Wasiirka in masuuliyad balaaran la iska saaray sidii ay doorashooyinka ugu qabsoomi lahaayeen hab nabdoon, waxa uuna xusay in hadana loo baahan yahay in xil la iska saaro amaanka iyo xasiloonida Somaliland kadib doorashada.

Wasiir Maxamed Kaahin ayaa uga digay musharaxiinta ku guuleestay doorashada la qabtay in ay sameeyaan banaan baxyo iyo dabaal degyo ay kusoo dhaweenayaan guusha ay ka gaareen doorashada golayaasha deegaanka iyo Wakiilada.

“Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland waxa ay reebtay in la sameeyo dibadbaxyo oo dariiqyada la wareego oo gawaari lagu maro waana mamnuuc waxaana naloo qaadanayaa nabadgalyo darro, sidoo kale waxaa reeban bululeeryada sida qaraxyada oo kale u dhawaaqa” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland.

Wasiirka arimaha gudaha ayaana amar ku siiyay ciidamada booliiska Somaliland in ay talaabo ka qaadaan cid kasta oo kahor timaada amara kasoo baxay Wasaarada kana shaqeysa falal abuuri kara xasilooni daro iyo rabshado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Raisul Wasaare Khayre iyo James Swan oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxda & Mucaaradka Somaliland oo si kulul uga hadlay arrimaha deyn cafinta Somalia

Caydiid Ali

Israel oo dedaal xoog leh ugu jirta Xiriir ay la sameysato dalal ay Somalia ku jirto

Caydiid Ali
Taboola Ads ---