Waxaa dhawaan magaalada Muqdisho lagu saxiixay heshiiska doorashada Soomaaliya uu garwadeyn ka ahaa Ra’isul Wasaare Rooble, waxaana heshiiskaasi wada saxiixay Xukuumada iyo madaxda Dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.
Qodobada heshiiska lagu gaaray ayaa dhigayay in si deg deg ah loo guda galo doorashada ayna madaxda dowlad goboleedyada kusoo magacaabaan xubnaha guddiga doorashada iyo xalinta khilaafaadka ku matalaya.
Maamulada Jubbaland, Puntlnad iyo Gudoomiyaha aqalka sare oo horey uga biyo diidanaa si doorashada loo maamulayo ayaa heshiiska kadib xafiiska Ra’isul Wasaaraha u gudbiyay liiska xubnaha ku matalaya guddiga doorashada .
Hasa ahaatee maamulada taabacsan Madaxweynaha Farmaajo ayaa wali ka caga jiidaya in liiska xubnaha guddiga doorashada ku matalaya usoo gudbiyaan xafiiska Ra’isul Wasaare Rooble, iyagoona kuwii horey usoo magacaabeen cabasho laga keenay.
Maamuladan oo kala ah Galmudug, Hirshabelle, Koongur Galbeed iyo gobolka Banaadir ayaa bilaabay cago jiid siyaasadeed, mana jiro ilaa hada guddiga doorashada ay xafiiska Rooble u gudbiyeen maamuladan Dowlada taabacsan.
Sadexda maamul goboleed iyo gobolka Banaadir ayaa horey usoo magacaabay guddiyo doorasho oo muran badan ka dhasheen oo la sheegay in ay u badan yihiin saraakiil katirsan Nabad sugida, shaqaalo dowladeed iyo taageerayaasha Farmaajo.
Waqtigii loogu tala galay in lagu gudbiyo liiska xubnaha guddiga dooarshada ayaa soo dhamaatay iyada oon wali maamulada gudbin xubnaha wada matalaya, waxaa sidoo kale xal laga gaaray xubnaha cabashada laga gudbiyay ee ku jira guddiga doorashada.
Heshiiskii ay gaareen madaxda Dowlada federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa dhigayay in doorashada lagu soo gabo gabeeyo labo bil gudaheed, hasa ahaatee waxaa la saadaalinayaa waqtiga loo qorsheeyay in ay ka dib dhacaan sababo jira owgeed.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com